‘Kooxda Fahad Yaasiin Ee Villa Nasiibdaro oo weerar qaawan ku haya nidaanka Fadaraalka.WQ.Jibril Qoobey.

Kooxda garbaduubka u haysata Madaxweyne Farmaajo oo markan si qaawan u bilaabay olale ay rabaan in ay ku fashiliyaan Nidaamka Fadaraalka ah.
 
Waxay qalalaase iyo kala qaybin ka dhex bilaabeen Maamulka Hir-shabelle ilaa ay ugu danbayntii tuureen Madaxweynihii maamulkaas Cosoble,isla markaana saareen mid ay iyagu wataan oo danahooda ku fushtaan.
 
Waxay hada usoo gudbeen Cadaado oo ay ka bilaabeen qalalalasiihii ay ku burburiyeen maamulkii Hir-shabelle,iyagoo durba abaabulay kala qaybinta Baarlamaanka ah ,taasoo keentay in xildhibaano koox ah ay sheegtaan in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Xaaf,balse waxaa si adag uga hortagay taageerayaasha Xaaf oo fashiliyay isku daygaa been abuuraka ahaa.
 
Kooxda Fahad Yaasiin ee garbaduubka u haysata Madaxweynaha Fadaraalka,ayaa durba soo saaray qoraal ceebaysan oo ay ku garab istaagayaan xildhibaanada kooxda ah ee sheegatay in ay Xaaf xilkii ka qaadeen.
 
Halkaa markay marayso waxaa soo gurmaday oo dagaal siyaasadeedka kasoo qaybgalaya una soo hiiliyay garabka Xaaf dhamaan Madaxweynayaashii dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka,iyagoo soo saaray war qoraal ah oo luuqad adag kula hadlaya dawlada Fadaraalka beesha caaalmakana qaylo dhaan udiraya,isla markaana waxba kama jiraan ku tilmaamay xilka qaadista Xaaf.
 
Isku soo wada duuboo kooxda Fahad Yaasiin ee Villa nasiib daro,ayaa markan ciyaartu ku adkaatay dagaalkuna wajiyo aysan filayn lagalay.
 
Ujeedka Kooxda Fahad Yaasiin ee Villa Nasiibdaro ayaa ah in ay umuujiyaan bulshada Somaliyed in uu nidaamka Fadaraalku yahay mid kala qaybinaya Umada Somaliyed isla markaana lid ku ah midnimada dalka.
 
 
 
Jibril Qoobey.