Waftigii Dawlada Fadaraaalka ka socday oo loo diiday Cadaado iyo wafti mucaaradka D.Fadaraalka ah oo lagu soo dhaweeyay

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa illaa amar dambe lagu joojiyay duulimaadyada ka imaanayay Muqdisho, marka laga reebo kuwa hey’adaha sama falka iyo diyaaradaha u socda AMISOM.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka maamulka Cadaado, Wasaaradda Amniga iyo Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in la joojiyay duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay, markii ay soo baxday in wafti ka socda Xukuumadda Soomaaliya ay maanta oo Khamiis ah ku wajahan yihiin Cadaado.

Madaxweynaha Xaaf ayaa ku tilmaamay imaanshahooda in uu ka dhalan karo dhibaato dhanka ah Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada ah.

Markii si kale loo dhigo joojinta Xaaf ka joojiyay in Diyaaraduhu kusoo dagaan Garoonka Cadaado waxay ka dhigan tahay hor istaag uu hor itsaagayo waftiga ka socda Dawlada Fadaraalka oo maanta la qorsheeyay in uu gaaro halkaas,maadaama uu u arko in ay dhinac yihiin isagana kasoo horjeedaan.

Dawlada Fadaraalka ayaa la safatay garabka Carabey iyo Gacal Casir ,iyadoo aqoonsatay xilka qaadis ay koox Xildhibaano ah sheegeen in ay ku sameeyeen Xaaf.

Xaalka Cadaado ayaa dagan maanta waxaana wali dhaqdhaqaaqu ka xiran yahay Carabey iyo Gacal Casir oo ku jira wax u dhigma Xabsi Guri.

 

 

 

Halkan hoose ka akhriso:-

 

Dhanka kale Xaaf ayaa kusoo dhaweeyay Cadaado wafti ka kooban Xildhibaano labada Aqal ee Fadaraalka ka tirsan,kuwaasoo u badan mucaaradka Dawlada Khayre qaybna ka ah khilaafka Cadaado ka taagan,hoos ka daawo muuqaalka soo dhaweynta waftigaas iyo arimaha ay sheegeen in ay u yimaadeen Cadaado.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka