Madaxweyne Axmed Madoobe oo uyeertay Senetarada ku matala Aqalka-sare Jubaland

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa u yeeray Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland, si ay uga qeyb galaan shirka dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee ka dhacaya Kismaayo.
 
Ilo ku dhow dhow xubnaha Aqalka sare ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu xitaa casuumaad u soo diray Guddoonka Aqalka sare iyo Guddiyada Joogtada, si ay talo uga yeeshaan shirka Kismaayo, maadaama Aqalka Sare ay matalaan Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.
 
Dowladda Dhexe ayaa walaac ka qabata shirka, waxaana laga yaabaa inay culeys ku saarto Guddoonka Aqalka sare in aysan ka qeyb gelin shirka Kismaayo.
 
Shirka Kismaayo oo qaban qaabadiisa ay bilaabatay ayay wararku sheegayaan in maalinta berri oo Arbaco ah ay tagi doonaan wafuudii u horeysay oo ka socda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka.
 
Ujeedada shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga tashanayo, xalna loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aanadii iska horyimid ee Dowladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ee la xiriiray Khilaafka wadamada khaliijka.
 
Guriga Martida Kismaayo ayaa loo diyaariyay in waftiiyada Dawladaha xubnaha ka ah dawlada Fadaraalka in la dejiyo, waxaana shirar u socda Guddiga qaban qaabada shirka.