Sudan oo laga qaaday Cunaqabatayntii dhaqaalaha Ee Maraykanku saaray

Dowladda Maraykanka ayaa cunaqabatayntii dhaqaalaha ka qaaday dowladda Suudaan. Cunaqabataytan ayaa Suudaan la saaray labaatan sano ka hor.

War Maraykanka ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dowladda Suudaan ay horumar ka samaysay xuquuqul insaanka.

Waxay sidoo kale Suudaan wax ka qabatay baa la yiri arrimaha la dagaalanka xagjirka.

Dalka Suudaan waxaa saarnaa cunaqabatayn ganacsi iyo xayiraado kaleba. Geedisocodka Suudaan xayiraada looga qaaday waxaa bilaabay madaxweynihii Barack Obama.

Balse kooxaha xuquuqul insaanka ayaa cambaareeyey tillaabadan Suudaan cunaqabataynta looga qaaday.

Waxay sheegayaan kooxahani in Suudaan aysan dhab ka ahayn inay isbadal muuqda samayso. Madaxweynaha Suudaan AlBashiir ayaa ah nin ay doondoonayso maxakamada dambiyada aduunka .

Waxaana madaxweyne AlBashiir loo haystaa inuu gallay dambi dagaal iyo xasuuq.

Ka qaadida Cunaqabataynta Sudan ee Maraykanka,ayaa ilo lagu kalsoon yahay waxay xaqiijinayaan in ay ku timid markii ay Dawlada Sudan Maraykanka la wadaagtay xogo muhiim ah oo ku saabsan ururka Alqaacida iyo kooxaha kale ee xagjirka islaamiga ah.

Sirdoonka Sudan ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu diyaarsan Dawlada Carabta iyo Africa.