Video:-Madaxweyne Farmaajo Oo kusoo hungoobay qorshihisii socdaalka Sudan

Madaxweyne Farmaajo oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku jooga Dalka Sudan ayaa maanta soo gabagabeeyay.
 
Booqashada madaxweynaha oo shaati kale la huwiyay ayaa salkeeda hoose waxay ku salaysnayd Lacag lagu sheegay in ay Somaliya leedahay oo taala warshad lacagta samaysa oo Sudan ku taal.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa qorshihiisu ahaa in uu lacagtaas soo qaado kana hawlgaliyo gudaha dalka,balse waxaa is hor istaagay hay’ada lacagta Aduunka ee IMF ,taasoo usheegtay Farmaajo in lacagtan ay tahay mid sharcidaro ah aqoonsi caalamiyana aan helayn.
 
Waxaa go’aanka hay’ada lacagta Aduunka ku raacay Wasiirka Maaliyada Fadaraalka Beyle iyo Agaasimaha Bankiga dhexe Bashiir Ciise.
 
Wasiir Beyle oo maanta waraysi siiyay laanta Afka Somaliga ee VOA,ayaa sheegay in Somaliya lacag cusub soo daabacan doono dhawaan,iyadoo ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in waraysigaas ka hor dhacayay qorshaha Madaxweyne farmaajo.
 
Madaxwyne Farmaajo ayaa maanta soo gabagabeeyay booqashadiisana,intuu uu joogay dalkaas waxuu la kulmay madaxweynaha Sudan oo ay wada gaareen heshiis iskaashi oo dhinacyo badan leh.
 
 
Halkan hoose ka daawo Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagay Warshada lacagtaas ay taal.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka