Shirkii dib U Eegista Dastuurka Fadaraalka Oo fashilmay

Waxaa fashilmay shir uu soo diyaariyay Wasiirka dastuurka Fadaraalka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril,kaasoo ku saabsanaa ka doodida hanaanka dib u eegista Dastuurka Fadaraalka Somaliya.
 
Shirkan oo qorshihiisu ahaa in uu furmo maanta oo Sabti,isla markaana socon lahaa laba maalmood,ayaa waxaan imaan oo ka baaqsaday waftiyadii Puntland,Jubaland iyo Cadaado.
 
Shirkan oo daba socday shirar horay u dhacay oo looga dooday hanaanka dib u eegista dastuurka Fadaraalka ayaa sababta uu ubaaqday waxay ugu weyn Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka ah oo si weyn uqawadsan hanaanka wada shaqayneed ee dawlada Dhexe.
 
Madaxda Dawladaha xubnaha ka ah Dawlada Fadaraalka, ayaa maalinka beri ah waxaa la filayaa in ay iskugu tagaan kismaayo,iyagoo halkaa ku leh shir ay uga xaajoonayaan hanaanka guracan ee daba marsan Dastuurka Fadaraalka ee ay ku shaqaynayso Dawlada dhexe ee Fadaraalka.