Video:-Markii ugu horaysay waaxda tayadhawrka badeecadaha Puntland Oo qabatay badeeco dhacday

Waa markii ugu horeysay oo Puntland Lagu soo bandhigo badeecad waqtigeedii dhaaftay waxaana badeecadahan gacanta ku dhigay xarunta Tayo Dhowrka badeecadaha Puntland soo gala oo dhawaan ay dawladu hirgalisay,isla markaana Xafiis ku dhex leh Dekeda Bosaso.
 
Taliyaha qeybta booliska gobalka Bari Cabdixakiin Xuseen Yuusuf ayaa digniin u diray ganacsatada keensata badeecadaha waqtigoodu dhaafay.
 
”Sharciga ayaa lala tiigsan doonaa cid kasta oo ku hawlan soo gelinta raashinka dhacay gudaha Puntland”ayuu yiri talyha qaybta booliska bari.
 
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Bari Axmed Xaaji Maxamuud oo goobta ka hadlay,ayaa sheegay in ay Ka hortagayaan dadka raba inay dalka soo geliyaan badeecad waqtgeedu dhaaftay,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka