War deg-deg ah:-Qarax Xoog leh Oo ka dhacay Magaalada Muqdisho goordhawayd

Qarax xooggan oo aad looga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho
 
Qaraxan oo ahaa gaari weyn oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa gil gilay magaalada oo dhan, waxaana uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Zoobe.
 
Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ah meel aad u mashquul ah oo ay ku dhow yihiin goobo ganacsi iyo hotelo.
 
Uuro madow iyo qiic ayaa cirka isku shareeray, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha qaraxa uu aad u xoogeysto, maadaama xajmiga qaraxa uu ahaa mid aad u ballaaran iyo goobta uu ka dhacay oo ah meel mashquul badan.
 
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.