Video:-In ka badan 230-qof Oo ku geeriyooday Qaraxii Soobe Ee muqdisho

Xildhibanano ka tirsna baarlamanka Soomaaliya ayaa sheegay in maydadka 220 qof la geeyey cisbitaalka Madina halka dhaawaca la geeyey cisbitaalkaas uu yahay 71. Tirada dhimashada guud waxa illaa iyo hadda la sheegaya inay gaareyso illaa iyo 237 ruux, waxaana suura gal ah in ay intaasi ka badato.
 
Sidoo kale Isbitaalka Erdogan, (Ex Digfeer) waxa la geeyay 207 ruux oo dhaawacyo qaba oo 127 ruux oo ka mid ah aanan ehelladooda wali u imaan. Waxa isbitaalkaasi ku dhintay 11 ruux. Sidoo kale 6 ruux oo kale ayaa laga heley meydadkooda isbitaallada kale ee Muqdisho.
 
Xildhibaannada Baarlamaanka waxay sheegeen in mas’uuliyiinta cisbitaalku ay u sheegeen in maydka 130 ka mid ah dadka dhintay la garan waayey sababtoo ah jirkooda oo aad u gubtay.
 
Ambalaasyada Amiin waxay sheegeen inay qaadeen in ka badan 250 dhaawac ah oo ay kala geeyen cisbitaallada magaalada, waxay sheegeen in ambalasyadoodu qaadeen 75 maydad ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka