Madaxweynaha Turkiga Oo diyaarad Caafimaad usoo diray Muqdisho

Dawlada Turkiga ayaa Soomaaliya usoo dirtay diyaarad siday gaadiidka gurmadka iyo shaqaale caafimad si ay ugu gurmadaan dadkii dhibaatadu kasoo gaartay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka M/weynaha Turkiga Ibraahim Kaalin ayaa sheegay in diyaarad ciidan oo siday gaadiidka gurmad iyo shaqaale caafimaad inay maanta Soomaliya usoo direen waxaana kooxdaan ka qeyb qaadan doonaan u gurmashada dadka ku dhaawacmay qaraxii shalay.

Wakaaladda wararka Anadooliya ayaa sheegtay in diyaaradaasi ay dalka Turkiga u qaadi doonto dhaawacyada ku jira isbitaaladda ee xaaladoodu culustahay.

Afhayeenka u hadlay madaxtooyadda Turkiga waxaa uu sheegay in amarka diyaradaan iyo shaqaalaha caafimaadkaba lagu soo diray uu baxshay M/weynaha Turkiga Rajjap Tayip Ordegan.

Dad badan oo qaba dhaawacyo culus oo kasoo gaaray qaraxii shalay ayaa buux dhaafiyay isbitaaladda Magaalada Muqdisho.