WALAAL KAA QURUXNA KUUMA QUURO, FOOLXUMANA WAA KUGU NACAA!!!.

Nin Libin kaa Xasdiyey Xumihii Waa Yaab!

Kaalamada Dawladda Puntland, Ee Somaliya Manta Ma bilaaban, Maantana Kuma Eka, Ee Way sii socon Illaa Laga helayo Waxa Puntland loo Dhisay ee ah Somaliya Oo Fakhriga, iyo Dib udhaca ka baxda, Gaartana Horumarka Ay u wadaan Somaliya.

Sanadihii 2004 – 2008, Waxaan Xasuustaa Puntland Oo 7,000 Oo Ciidanka Dalaayadaha Ku Booda, Saad, Saanad, Maal iyo Moodba la Dul istaagtay Dawladdi Kumeel gaarka ahayd, Ciidanka Waxaa Ka So Nabad Noqday Gen Saciid Dheere Taliyaha Guud ee Ciidan ka Puntland Inkasto qudhiisa la Sumeeyey, Has Yeeshe Waxay Suurto Geliyeen in Villa Somaliya Ay noqoto Xarunta Rasmiga ah Dawlad Somaliyeed 20 Kadib, Inkasto Dad Badan Aysan Saas Ula Socon.

Ha Iloobin Puntland Inay Wakhti, Maal iyo Nafba ku Bixisay in Kumeel gaar laga Gudbo, Dastuurka manta Qabyadaana la yeesho Iyado Marwalba Muhiimadda Kowaad Siinaysay in Somaliya Hagaagto, Lkn Lala Fahmi wayey.

Ha iloobin Dawladda Puntland inaysan gargaar military iyo Maaliyadeed ka Helin Xumumaddaha Xamar, Sida Wakhti yadii Adkaa Ee Dagalada Kooxaha Puntland kuso Dulay Sida tii Suuj iyo Garmaal, Iyo Af urur, Ugumana Ciil qabto.

Dawladda Puntland Waxay Waxay marti Gelisay Shacab Somaliyed Oo Soo Barakay, Cidna kuma Kaalmayso Sidii Dadka Wax Loo Tari lahaa.

Dawladda Puntland Waxan Ku Xasuusannaa Dhawr Markab Oo Xoolo Nool Sida oo Ay Jabouti Udirtay 2009, Dagalki Eritrea, Xagga Deeqda.

Muhiimadu Waxaa Weeye Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda Barakeysan Cidna Ugama Baahna Hambalyo iyo Mahadcelin Facebook laso, Marsho Ujeedkeeduna Kaas Ma ahayn.

Ujeedku Waa Inaan Qof Somali ah Dayac iyo Dhib, Dhiig la’aan Iyo Dawo La’aan Udhiman Inta Qof Reer Puntland ah U Nool yahay, Wuxuu hayana La wadaagayo.

#GurmadQaran.