FARMAAJO IYO 21st Oct.WQ.Abdisalam.A.Jama 

FARMAAJO IYO 21st Oct.

21st Oct.1969 yuu afwayne ku dhawaaqay afgambi iyo xaalad deg deg ah inuu dalku ku jiro, arinkaas oo ahaa dhacdo lagu maja xaabiyey dastuurkii, sharciyadii, iyo dimoqraadiyaddii cardunka ahayd ee dalku lahaa.

Maantaas taariikhdii madoobayd ee dalku galay ilaa maanta yey Somali la dhakafaarsan tahay waxii ka dhashayna si loo maareeyo la la’yahay, hadaba maqaalkan waxaan rabaa inaan si kooban uga hadlo dambiyadii waawaynaa ee ummadan laga galay iyo in kacaan kusheegii kaligii taliyuhu uu sababay maalmaha mugdiga ah ee aan wali ku jirno.

Siyaad Barre oo ka mid ahaa dictators-kii aduunka soo maray kuwii ugu macangagsanaa waxuu sameeyey wax walba oo uu xukunka kusii haysan karay si kaligii talisnimo ah, asagoo fulinayaa siyaasaddii “qaybi oo xukun” wuxuu iska horkeenay oo kala saraysiiyey qabaa’ilkii Soomaaliyeed. Qaybo ka mida xasuuq iyo ciqaab-wadareed u gaystay, dad badani dalka uga carareen, in badanna cabsi iyo naxdin kula joogeen, halka qaarna uu soo dhawaystay si gaar ahna uu u naas nuujinayey.

21-kii sano ee kaligii taliye Siyaad Barre dalka sida sharci darada ah uu ku haysatay (illeen lama doorane) wuxuu gaystay gabood fallo aad u waawayn, caburin, caga juglayn, iyo cadaalad darro aad u baahsanayd.

Sanadahaas mugdiga ahi dad badan bay u ahaayeen bari-samaad iyo barwaaqo, dadkaasi waa kuwii ku helay sadbursiga iyo darajooyinka aanay mudnayn, dadkaasi waa kuwii ku boobabay magaca dawladda hantidii qaranku lahaa ee daaraha ka jeexday, dadna waxay ku jireen cadaab gaaban iyagoo dibadaha u cararay ama dalkooda dhexdiisa magan ku ahaa, markay hadlaana xasuuq iyo faquuq iyo dhibaatayn la isugu dari jiray.

Siyaad Barre wuxuu dalka galiyey dagaal aan diplomatic cover lahayn oo aduunku noo arkayey inaan anagu gardaranahay isla markaasna aanay jirin cid aan gaashaanbuursi la lahayn ama na taageeraysay, dagaalkaas oo ahaa mid xamaasad lagu waday laguma daraasayn awooda aan leenahay iyo natiijooyinka ka dhalan karay haduu daba dheeraado.

dad badan baa aaminsan in ujeedada dalka uu u galiyey dalkaasi ahayd mid ka mida farsamooyinkii kursiga uu ku difaacanayey iyo in military-ga oo uu ka baqayey uu ku mashquulinayey ama awoodooda ku wiiqayey.

Si kastaba ha ahaatee dagaalkaas si foolxun baa loogu jabay kumanaan askar Soomaaliyeed ah baa lagu xasuuqay, agabkii military oo lahaa gaadiid hub iyo saanad ee kharashka badan lagu bixiyey ayaa looga soo tagay cadowgii, Somali niyadeedii iyo haybadeediina waxaa soo gaaray dhaawac aad u wayn.

Hadaan u soo noqdo gudaha, 21st Oct. iyo waxii dhacay waxay sabab u yihiin dhamaan wixii ma hadhooyin Somali soo maray, waxay sabab u yihiin dulmigii iyo gabood falkii dagaalka sokeeye dhaliyey, sidoo kale dagaalkaas sokeeye iyo waxii musiiboyin ahaa ee ka dhashay.

21st Oct. sababteeda Boqolaal kun oo Somali ah yaa ku naf waayey, intooda badan xabad iyo gaajo iyo cudur bay u dhinteen, in badan badaha yey ku hafteen, in badan xeryo qaxooti bay ku jiraan ilaa haddana ku dacdaraysan yihiin mustaqbalkooduna mugdi ugu jiraa.

21st Oct. 1969 wixii dhacay yaa sabab u ah in maanta Somali kala irdhiwday oo la isu keeni la’ayahay, kacaan kusheegaasi dadkii Soomaaliyeed ee ku dhaqnaa Waqooyi-galbeed (Somaliland-ta hadda) dhibaataduu u gaystay iyo xasuuqii kufsigii iyo boobkii waa tan sababtay inay dal gaar ah noqdaan oo Soomaali dambe aamini waayaan.

21st Oct. kacaan kusheegii dhashay waa kii xasuuqay oo miyi iyo magaalaba ku weeraray dadkii ku dhaqnaa goboladii la oran jiray Waqooyi-bari (Puntland-ta hadda), Somalida kale ku diray asagoo moora duugay taariikhdii wanaagsanayd ee dadkaasi ku lahaayeen gobonimo doonkii, asagoo ku shaabadeeyey inay isticmaarkii dabadhilif u ahaayeen.

Waxaa xasuuq iyo boob lagula kacay dadkii reer miyiga ahaa oo aan waxba galabsan, dadkaas oo ahaa dad aan waxna qorin waxna akhrin siyaasadna aan shaqo ku lahayn, waxaa la xaqiijiyey in askartu sumayn jirtay ceelasha biyaha iyo baraagaha si dadka firxaday ee baadiyaha ku dhuumanaya iyo xoolahoodu ugu le’daan.

Sidoo kale waxaa xussid mudan in maalmihii u dambeeyey kacaanku dhibaatooyin waawayn ka gaystay gobolada dhexe iyadoo dadka si sharci darro ah loo laynayey ama loo dhacayey hantidooda gaarka ah, illaa dadkii ka kaceen arxan daradii lagu hayey oo ay ka dagaalameen, arimahaas markii la isu geeyana ay sabab u noqdeen in xukunkii habeen madow xoog looga tuuray (waa isla siduu ku qabsadaye), halkaasna uu kaga tagay dal iyo dad uu qaybiyey oo uu isku diray iyo dal isku dhexyaacsan ilaa maantana dhibkeedii taagan yahay.

Ugu dambayn hadaan tusaale u soo qaato taliskii ummadan dhibkaan baday iyo waxa dadka qaarki ugu yeeraan wax qabadkii kacaankii barakaysnaa wuxuu la mid ahaa nin engineer ah oo guri dabaq dheer ah oo qurux badan ka dhisay mee bacaad ah asagoon wax aasaas ah u yeelin kadibna qoysas badan soo dageen oo maalintii labaad halmar dumay illeen aasaas ma lahayne, oo dadkii daganaa ku baaba’een ninkaas engineer ka ah muxuu mudan yahay ?!! miyaanay ahayn in lagula xisaabtamo dadkii uu halkaa ku gumaaday mise abaal marin buu mudan yahay?!!.

Haddaba waxaa wax lala yaabo ah, in madaxwayne Farmaajo oo ah nin si sharci ah ku yimid inuu raaco raadkii Siyad Barre oo uu 21st October 2017 dalka ugaga dhawaaqo inuu xaalad degdeg ah ku jiro, arinkaasi shaki wayn buu abuuri karaa oo waxaa la is waydiin karaa maxaa 21st Oct. ku soo beegay xaalad deg deg ah ? Mise waa fariin cad oo oranaysa dalka waxaan ku dhaqayaa habkii aabe Siyaad oo aan ognahay in Farmaajo buugiisa ku amaanay.

Haddaba haday jiraan dad sidaa u fakaraya (Farmaajo ama dadka la taliya) waxaan leenahay ka jooga sidaas ma dhici karto mar labaade, hana loo sheego ujeedada federalka loo sameeyeyba inay tahay ka hortag in shaarka dawladeed aan cid dambe lagu xasuuqin ama lagu caburin.

Si kastaba ha ahaatee waxaas aan soo qoray ma aha aragtidayda ee waa xaqiiqooyin aad u kharaar oo ummadan soo maray, xumaantii iyo foolxamadii taliskaasi lahaa maahan wax hal maqaal lagu soo koobi karo, hadaba ninkii barwaaqo iyo sadbursi ku haystay inuu amaano ama qoraalkan la yaabo waa wax si fudud loo fahmi karo, laakiin waxaan hubaa inay soo bixi doonaan jiilal cusub oo caqli iyo aqoon sare leh oo qira in 21st Oct. 1969 ay maalin madow ahayd, wixii musiibooyin ahaa ee ka dambeeyeyna ay halkaa salka ku hayaan.

Ujeedada aan qoraalkan u qoray waa inaan wax ka barano cadaalad daradii dalkan ka dhacday iyo waxay na dhaxalsiisay, oo aan dadka loo amaanin 21st Oct. isla markaana laga hortago in system noocaas ahi abuurmo oo awoodda dalku hal nin gacantiisa gasho isla markaana uu ku amarkutaagleeyo ama xasuuq kale loogu gaysto shacab Soomaaliyeed.

 

 

 

Abdisalam.A.Jama