Video:-Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Awqaafta Iyo Armaha Diinta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo booqday goobaha waxbarashada ee magaalada kismaayo

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Awqaafta Iyo Armaha Diinta Dowladda Fadaraalka Soomaaliya Iyo Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda ayaa booqday Madarasada Salsabiil oo ah Madaraso ay dhigtaan Araday gaareeyso ku dhawad 800 Waxaan Madarasad Lagu Bartaa Qura’aanka Kariimka Iyo Maadooyinka Tarbiyada Islaamiga ah.
 
Markii ay Madarasada Tageen Masuuliyiinta ayaa Waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay maamulaka madarsada Salsabiil Cabdirxamaan Cusmaan Jeemis Waxaa uuna maamulaha ka war bixiyay maadooyinka ay Caruurta siiyaan Isagoona maamulaha sheegay in ay ardayda Machadka dhigato ay kaalinta Koobaad aa galaan Tartamada Quraanka Kariimka waxaa una maamulaha ka codasaday Wasaarada In ay ka caawiyaan tabobarka Maclimiinta.
 
Xogahaya Jogatada Ee Wasaarada Awqaafta Iyo Arimaha Diinta Maxamed Qeyrow Aadan Oo dhankiisa ka hadlay ayaa sheegay In ay wax kasta oo Wasaaradda looga baahado ay diyaar u yihiin in ay Kacaawiyaan.
 
Ugu Danbeyn Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Awaqaafta Iyo Arimaha Diinta Dowlada Faderalka Somaaliya Cusmaan Adan Dhuuboow. Ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in ay arkaan Caruur da yar ah oo xaafidul Qur’aan ah waxaa uu dhanka Kale Wasiirka Maclimiinta kula dardaarmay in Carruurta la barro sida Salaadda loo tukado iyo waajibaadka laga rabo Qofka tukanaayo,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka