Duqa Magaalada muqdisho Oo soo saaray Amaro cusub

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray Wareegto uu ku mamnuucayo in Booyadaha aysan magaalada gudaheeda ku socon karin 7-da subaxnimo ilaa iyo Sideeda Fiidnimo iyo in Gaadiidka xamuulka qaada aysan rari karin tan ka badan culeyska gaariga, maadaama rarka xad dhaafka uu dhibaato ku yahay Shacabka iyo Gaadiidka jidadka la wadaagaya.
 
Darawalada Gaadiidka xamuulka qaada iyo Booyadaha ayaa lagu wargaliyay cidii jabisa xeerkan ama ku xad gudubta in ay la kulmi doonto ganaax lacageed oo gaaraya Toban Milyan oo Shilin Soomaali ah (10,000,000).
 
Maamulka Gobolka ayaa sheegay in wareegtadan lagu baahin doono Warbaahinta mudo sedex maalin ah si dadka loo baraarujiyo isla markaana ay u wada ogaadaan xeerkan,
 
Talaabadan ayaa looga gol leeyahay xaqiijinta amniga iyo in laga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka ku nool Gobolka Banaadir,
 
Digreetadan,ayaa waxaa ku saxiixnaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi.
Xigasho : Radiyo Muqdisho.