Ciidammada Suuriya oo galay meeshii u dambaysay ee ay ku xoogbadan yihiin IS

Xoogagga taabacsan dawladda Suuriya ayaa galay magaalada xadka bari ku taalla ee Albu Kamal, waana magaaladii u dambaysay ee ay ku xoogbadnaayeen kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee Suuriya.

Telefeshinka ay dawlladdu leedahay ee Al-Ikhbariya ayaa sheegay in malayshiyo ay si buuxda u xoraysay magaalada habeennimadii Arbacada.

Laakiin wakaaladda rasmiga ah ee dawladda ee Sana iyo telefeshinka dawladdu waxay sheegeen in ay burburiyeen difaacii IS ayna dagaal kharaar kula galeen gudaha magaalaa Albu Kamal.

Wakaaladda wararka ee Sana waxaa kale oo ay sheegtay in ciidammadu ay sidoo kale la kulmeen kuwa Ciraaq ee xadka ka agdhaw.