Jaamacadda Stafford University oo loo xiray Shahaadooyin Been ah oo ay siisay Wasiiradda Dawladda Federaalka .

Jaamacadda Stafford University oo ku taalla dalka Uganda Ayaa gebi ahaanba laga joojiyay hawlihii waxbarasho ee Ay waday , kaddib markii la oggaaday iney ShahaadooyinDegree ah oo been abuur ah ka iibiyeen Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo u sii marinaysa Jaamacadda Jobkey University oo ku taalla magaalada Muqdisho sida uu qoray Wargeyska Afka dheer ee New Vision.

Jaamacadaha Ugandha ayaa lagu eedeeyaa musuq, dhawr jeer oo hore ayay dalkaas ka dhaceen dhacdooyinkan oo Kale oo ay ka mid ahaayeen in natiijooyin imtixaan arday Laga iibiyey sida ka dhacday jaamacada MAKARERE oo ka Mid ah jaamacadaha ugu faca weynweyn dalkaas .