Qarmada Midoobay oo ka digaysa colaad ka dhalata dalka lubnaan .

Xogahayana guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterras, ayaa ka digay colaad hor leh oo ka dhalata Lubnaan ay Cawaaqib xun GOBOLKA BARIGA DHEXE ku reebi doonto.

Wadamada deriska la ah lubnaan iyo kuwa bariga dhexeba wuxuu ugu Baaqay inay taxadar muujiyaan oo ay ka Fogaadaan wax kasta oo shaki iyo khilaaf hor leh ka dhalinya nidaamka dawliga ah ee lubnaan . guatrres ayaa Sheegay inay doonayaan nabad gelyada lubnaan iyo gobolka bariga dhexe

Dhinaca kalena Hogaamiyha ururka xisbilah ayaa maanta kahadlay iscasiladaa raysalwasaarihii lubnaan ,wuxuuna Ku tilmaamay mid ay Sucuudigu sacad xariiri ku khasbeen inuu is casilo ,xasan nasrulaah ayaa sidoo kale ugu baaqay Dawladda lubnaan inay dib usoo celiso sacad oo uu tilmaamay inuu sucuudiga xabsi guri ugu jiro .

Xasan nasrulaah hogaamiyaha xisbulaah ayaa sucuudigu ku eedeeyey inay wadaan dagaal lagu qaado dalka lubnaan oo la burburiyo iyadoo sucuudigu kaashanayo israel

Xasan nasrulaahi ayaa sheegay in aanay marnaba sucuudiga u suuroobayn inay burburiyaan ururka xisbulaah .