Jubaland:-Bandhig dhaqameed lagu qabtay magaalada Kismaayo .

KISMAAYO : Bandhigaan ay waxaa ka soo qeyb galay dhamaan Haweenka ku Nool deeganadda Jubbaland waxaana marti gelisay Wasaaradda Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xaquuqul insaanka Dowlad goboleedka Soomaaliyed ee Jubbbaland

Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhamaan agabyada Hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed waxaa uuna socon doonaa Muddo sadex maalmood ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee bandhig noocaan oo kale ah lagu qabto Magaalada Kismaayo.

Wasiirka Wasaarada Haweenka Arimaha Qoyska iyo Xaquuqul insaanka Dowlad goboleedka SoomaaliyeEd ee Jubbbaland Marwo Qamar Deeq Khaliif oo idilnews.com lahadashay ayaa sheegtay ujeedada loo soo qabanqaabiyay Bandhigaan in uu yahay “Isdhexgalka iyo dhiirigelinta nabadda iyada oo loo marayo howlaha Dhaqanka ee Haweenka ku nool Deeganada Jubbaland.

Goor Dhow Naga Filo Muuqalo ku Saabsan Bandhiga.

 

Xafiiska Idil News Kismaayo