Wasiir Bayle oo saaka ka baxay shirkii golaha wasiirada .

Muqdisho : Wasiirka maaliyadda dowladda federalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Bayle ayaa saakay isaga baxay kulankii Golaha wasiirada , kadib markii uu Khilaaf soo Kala dhax-galay rasysal Wasaare khayre .

Arintan ayaa loo aanaynayaa xiriirka bayle iyo khayre oo aan fiicnayn mudooyinkii ugu dambeeyey.

Warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa noo sheegay in dhawr jeer oo hore bayle qorshaystay inuu is casilo,wuxuuna dhibsaday farogelin muuqata oo raysalwasaare khayre ku hayey shaqadiisa.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa is casilaadii wasiirkii gargaarka taasoo sheegtay inay shaqada uga tagtay is barbar yaac ka jira shaqada .