Hogaamiyihii shabaab ee kenya oo ka baxsaday kooxdiisa .

Warbxin la helay ayaa lagu sheegay in hoggaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo ka soo jeeda daka Kenya uu doonayo inuu kooxda ka tago, isagoo baxsad ah, kaddib markii ay isku dhaceen hoggaanka Al-Shabaab.

Wargeyska Standard Media oo soo xiganaya War Sir ah oo la hellay ayaa sheegaya in Axmed Iimaan oo ah hoggaamiye sare ka tirsan Al-Shabaab ay isku dhaceen hoggaanka sare ee Al-Shabaab, kaddib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada Kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin Al-Shabaab.

Axmed Imaan iyo Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu u socdo wada hadal la doonaayo in dib loogu celiyo dalka Kenya si uu u sii wado hawlgalada ka dhanka ah dowladda Kenya.

Hogaamiyahan oo madaxiisa la dul dhigay mallaayiin dollar ah, ayaa horay uga soo muuqday Muuqaalo ay baahisay Al-Shabaab oo u badnaa farriimo loo diray Kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-Shabaab ka qorato Kenya.

Al-shabaab ayaa bilihii la soo dhaaftay toogtay dhawr nin oo ka tirsan iyaga, kadib markii ay ku eedeeyeen in ay jaajuusiin u ahaayeen reer Galbeed iyo dowladda Kenya.