Kooxda shabaab oo beenisay in maraykanku duqayn ka sameeyey deegaanka Buur ceelcade.

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Militariga Mareykanka Africa ee loo AFRICOM ayaa  lagu sheegay in Duqeyn ay ka fuliyeen deegaanka Buur Ceelcade, balse kooxda shabaab ayaa Warkaas beenisay

Idaacadda Andulus oo ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa iyaga  oo soo xiganeysa Afhayeenka dhanka Howlgallada u Qaabilsan Al-Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab waxa uu yiri ”waxa ay gebi ahaanba sheegeen in aysan jirin wax Duqeyn ah oo Gobolka Baay ka dhacday.

Sidoo kale Shabaab ayaa shegya in Warkaas uu yahay mid Mareykanka uu ku doonayo in uu ku daboolo guuldaradii Ka soo gaartay dagaalkii ay la galeen sida lagu qoray Baraha ay Al-Shabaab Wararka ku qortaan.

Maraykanka ayaa kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Gudaha Soomaaliya todobaadkan ,waxaana Bishaan Gudaheeda dhacay in ka badan 10 Duqeyn oo uu Mareykanka sheegay in lagu dilay Rag ka tirsan Shabaab.