Maleeshiyo ay adeegsanayaan Ganacsato reer Baraxley ah Oo Galkacyo Dad ku laayay

Maleeshiyo ay adeegsanayaan Ganacsato reer Baraxley ah ayaa weerar kusoo qaaday xarumo ganacsi oo ay leeyihiin Ganacsato reer Puntland ah.
 
Xaruntan Ganacsi oo ahayd Baakhaar ayaa muran ka taagnaa waayahan danbe kaasoo sababay gacan ka hadalka maanta dhacay..
 
Inta la xaqiijiyay 4 qof ayaa ku geeriyooday weearkan, in kabadan 10 kalena way ku dhawacmeen.
 
Dadka geeriyooday ayaa labo ka mid ah waxay ahaayeen Ganacsatadii maleeshiyada weerarka soo qaaday adeegsanayay ee kasoo jeeda Baraxley,
 
Sidoo kale waxaa weerarka ku geeriyooday labo ka mid ah ciidamada isku dhafka ah ee Galkacyo kuwaasoo ay toogteen maleeshiyada weerarka soo qaaday xili ay ciidamadu isku dayayeen in ay xaalada gacanta ku dhigaan.
 
Gudaha Gaalkacyo,ayaa waayahan laga nastay isku dhacyadii ka dhici jiray,balse waxay si isadaba joog ah uga dhaceyeen miyiga gobolka Mudug.
 
Maamulada labada dhinac ayaa hada ku hawlan dajinta xaalada.