DEG DEG – Bir-qaade Edwin oo la dilay .

Colombia – Edwin Orlando Mosquera oo ah bir qaade u dhashay dalkaasi Colombia islamarkaana ka qeyb-qaatay ciyaarihii Rio2016 ayaa habeenimadii Axada waxaa lagu dilay magaalada Palmira, Colombia.

Bir qaadaha ayaa waxaa u yimid xilli uu fadhiyay baar ku dhow hotelka Villa de las Palmas nin dhallinyaro ah kaas oo u muuqday mid loo soo diray in uu dilo, waxaana uu ku dhuftay labo xabadood kuwaas oo uga kala dhacay lugta iyo madaxa.

Booliska ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dambiilaha, walow eysan ogeyn ilaa iyo iminka sababta loo dilay.

Edwil ayaa jiray da`da 32 sano, waxaana uu kaalinta 15-aad ka galay ciyaarihii Rio2016 ee ka dhacay dalkaasi Brazil.

Guddiiga Olombigga dalkaasi Colombia ayaa bartooda twitterka ku xaqiijiyay geerida bir qaadahan.

https://twitter.com/FEDEPESASCOL/status/937435472036425729/photo/1

Ayub A. Ali – Idil News