Erdogan oo Israa’iil ku tilmaamay dal argagixiso ah oo caruurta xasuuqa.

Madaxweynaha  dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa si adag ugu hadlay go’aanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimada Israel, wuxuuna sheegay Madaxweyne Erdogan in Israa’iil ay tahay dal argagixiso oo caruurta disha.

“Israa’iil waa Argagaxiso, dIlaaga carruurta” ayuu yiri madaxweynaha Turkiga, isagoo sheegay in go’aanka Trump uu yahay mid colaada sii hurinaayo isla markaana xasilooni kusoo kordhin doonin bariga dhexe.

“Falastiiniyiinta waa dad laga gardaran yahay, Israel waa wadan argagaxiso haa, waa argagaxiso caruur leys ah. ugama hari doono magaalada Qudus wadan carruur laays ah.”” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo madaxda Islaamka ugu baaqay, kaasoo ka dhici doona todobaadka soo socda dalka Turkiga losgaan hadli doono go’aanka madaxweynaha Mareykanka ee Qudus ugu xalaaleeyay Israa’iil.

Dhinaca kale, Mr. Erdogan ayaa wada hadalo qadka taleefanka ah kula yeeshay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo madaxda dalalka Lebanon, Kazakhstan iyo Azerbaijan, isagoo kala hadlay xiisada kasoo cusboonaaday bariga dhexe.

Dalalka Islaamka, gaar ahaan bariga dhexe ayaa waxaa ka socda dibadbaxyo looga soo horjeedo go’aanka Donald Trump iyadoo la beegsanaayo safaaradda Mareykanka ee dalalka Carabta ku yaal.