Koonfur Galbeed oo Beenisay in la magacaabay Madaxweyne ku-xigeen (Maqal)

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa beeniyey warqad lagu magaacaabay madaxweyne ku xigeenka Maamulkaasi taas oo baraha bulshada lagu qaybiyey.

Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay inaysan warqadaas waxba ka jirin ayna tahay mid lagu been abuurtay saxiixa iyo Astaanta maamulka Koonfur Galbeed.

Ugu danbayn wuxuu sheegay masuulkan inay wadaan baaritaano ku aadan cidii warqadan qortay ayna la xisaabtami doonaan cidii lagu helo.