Video:-Gurmadka Doonidii soo caariday Ee Bosaso Oo meel wanaagsan maraya

Waxaa meel wanaagsan mareysa hawlgalka lagu badbaadinayo alaabta saaran doonta ku soo caaridey
xeebta Boosaaso, Waxaa ku howlan badbaadinta alaabta saaran doonta guddi isugu jira ganacsato, culimo’udiin iyo farsamayaano.
 
Waxaa lagu guulaystay in marin waddo ah la saaro xeebta Bosaso qaybo ka mid ah si loo gaaro Doonida ku caariday xeebta Bosaso.
 
Waxaa gurmadkan qayb ka ah Dowlada,Ganacsatada iyo Culumada.
 
Talaabadan lagu badbaadinayo Doonidan ayaa ah mid muujinaya isku tashiga bulshada iyo Dowlada heerka uu gaari karo hadii lagu dhaqaaqo,madaama waxqabdka ilaa iyo hada la sameeyay uu yahay mid aan caadi ahayn oo ana la qiyaasayn in la samayn karo.
 
Doonidan,ayaa ku caariday Xeebta Bosaso kadib markii ay Cilad ku timid awgeed usoo gaari wayday Dekeda,hoos ka daawo muuqaalka oo faahfaahsan.
Halkan ka daawo muuqaalka