Video:-Shirkii amniga Ee Kismaayo Oo soo gabagaboobay maanta

Shir qaatay mudo sadex cisho ah ayaa maanta kusoo gabagaboobay Magaalada kismaayo.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay qaar kamid ah wasaaradaha Jubbaland, saraakiisha ciidamada Jubbaland iyo kuwa xoogga dalka Somaliyed, saraakiil ka socotay AMISOM iyo madax ka socotay Qaramada Midoobay.
 
Madaxweyne kuxigeenka Jubaland oo qodobadii kasoo baxay saxaafada u akhriyay,ayaa sheegay in mudadii uu shirku socday laga doodayay qorshaha howlgallo la filayo in ay ka bilowdaan guud ahaan dalka, gaar ahaan deegaanada Jubooyinka.
 
Maxamuud sayid Aadan Madaxweyne kux igeenka Jubaland,ayaa sidoo kale sheegay in shirka looga xaajooday sida ay u wada shaqeyn doonaan ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM,
 
Hoos ka daawo muuqaalka. shirka jaraaid ee Maxamuud saydi Aadan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka