Dhagayso:-Wasiir Maareeye Oo udigay dowlada fadaraalka Ee uu ka midka yahay

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumada Fedraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka hadlay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada fedraalka Somaliya iyo maamulka Somaliland.

”Anigu waxaan ahay shaqsi utaagan midnimo waxaana ku matalaa dowlada dadka reer Somaliland hadii marka lagu khiyaamo Somaliland wadahadalada waan ka tagi doonaa dowlada’ayuu yiri Maareeye.
 
Maareeye ayaa ka dalbaday dowlada fadaraalka ah in ay guul ka gaarto wada hadalada ,isla markaana ay iska ilaaliso in wada xaajoodkaas uu gacmaheeda ku burburo waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir Maareeye.
 
Hadalka Maareeye ayaa ah mid adag oo aan looga baran siyaasiyiinta kasoo jeeda Somaliland ee kamidka ah dowlada fadaraalka,iyadoo aysan cadayn si gaar ah masuulka fariintiisu ugu socoto ama ujeedka dhabta ah ee uu ka leeyahay marka laga soo tago hadalkiisan umuuqda dhoolatus meel ku wajahan.
 
Waxaa dhawaan la filayaa in dalka Jabuti ay ka bilowdaan wada hadalo u dhaxayn doona dowlada fadaraalka iyo maamulka Somaliland.
 
Hadaba hoos ka dhagayso codka Wasiir Maareeye.

 

 

 

Halkan hoose ka dhagayso codka Maareeye