Maxay kawada hadleen Madaxweyne Farmaajo iyo gudigii Jawaari ka socday

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan Madaxweynaha Soomaaliya ay la qaateen guddi ka socday guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ka koobnaa todobo xubnood.
 
Guddigan ayaa la kulmay madaxweynaha waxayna ugudbiyeen fariin ay ka wadeen Guddoomiyaha golaha Shacabka Prof Jawaari taas oo xal u ah khilaafka Golaha ka dhex jira.
 
Qodobada ay gudigu ugudbiyeen Madaxweynaha ayaa kala ahaa:-
 
A. In si daah furnaan ah cod qarsoodi ah loogu qaado mooshinka yaala kadibna ay aqbal tahay natiijadii soo baxda,balse waa in ay goob joog ka noqdaan Beesha Caalamka, Senatarada aqalka sare, Culimada, Haweenka iyo dhalinyarada.
 
2. In arinta lagu xaliyo qaab siyaasadeed iyo is faham iyadoo labada dhinac ay sameynayaan tanaasul,
 
Gudoomiye jawaari ayaa fariintiisa kusii daray in hadii ay socon waayo waan-waanta uu ka digay in dalka dib loo celiyo.
 
Qodobada qaar ayay isku afgartayn Madaxweynaha iyo gudiga jawaari ka socday.
 
Madaxweynaha ayaa qaabili doona garabka kale ee xildhibaanada oo aan wali xubnahooda warbaahinta usoo bandhigin balse la sheegay in ay magacaaban yihiin, waxaana kadib lagu dhawaaaqi doonaa natiijada kulamadii dhacay ee mooshinka Jawaari.