Video:-Shacabka Bosaso Oo si weyn U taageeray go’aankii Madaxweyne Gaas

Shacabka Magaalada Bosaso ,ayaa si weyn usoo dhaweeyay dhismaha mashruuca dekeda Bosaso ee ay maalgashanayso shirkada  DPWORLD ee laga leeyahay dalka imaaraadka Carabta,sidoo kale shacabka ayaa taageeray xiriirka Puntland iyo dowlada imaaraadka Carabta isla markaana garab istaagay go’aankii Madaxweyne Gaas.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Madaxweyne Gaas si cad u cadeeyay taageerada Imaaraadka sida ay muhiim ugu tahay Puntland,kadib saxaafada qaarkeed oo baahisay in tababarayaashii Imaaraadka ee ku sugnaa Puntland iskaga baxeen.

Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa hada ku sugan imaaraadka,iyagoo halkaas ujooga kala xaajoodka masuuliyiinta dalkaas xiriirka Puntland iyo imaaraadka,gaar ahaan dhanka amaanka iyo mashaariicda horumarineed,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka