Xulkii Ugu horeeyay Oo Somali ku midaysan tahay Oo guul taariikhiya keenay

Xulka kubadda cagta Soomaaliya ee ka yar 17 sano, ayaa taariikh sameeyay, kadib markii ay gaareen fnalka tartanka ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika.
 
Ciyaarahan oo ka socda dalka Burundi ayaa xulka Soomaaliya waxay ka adkaadeen ciyaartii Semifinalaha xulka dalka Uganda oo ay gool iyo waxba kaga awood roonaadeen. Goolka waxa u dhaliyay ciyaarhaan Farxaan Duqow. Sidoo kale, xulka Uganda ayaa iska khasaariyay gool ku laad ay heleen qeybtii hore ee ciyaarta.
 
Soomaaliya, ayaa finalaha la dheeli doonta xulka dalka Tanzania 29-ka bishan April, ee maalinta Axadda ah. Tanzaina ayaa iyagana 2-1 kaga soo adkaaday xulka dalka Kenya.
 
Xulka Soomaaliya, ayaa noqotay kooxda kaliya ee wareegga koowaad ku soo baxda 7 dhibcood, iyagoo sidoo kale aan wax gool ah laga dhalinin sharciyan, kadib markii ciyaartii koowad oo ay la dheleen Itoobiya dhibicihi iyo goolashiiba Soomaaliya loo soo celiyay. Itoobiya ayaa lagu heley xad-gudub ah inay soo safeen ciyaartoy da’ weyn.
 
Guushan ayaa loo sababayna in ay sahashay Ciyaartoyda matalaysa Somaliya oo laga soo xulay guud ahaan Gobolada Dalka,halka waayadii hore ay ahaan jireen dhalinayro si msuqmaasqu ah looga soo ururshay xaafadaha Xamar.