Video:-‘Daawo sida cajabta leh ee ay dowladnimada jubaland u hana qaaday iyo bahda idil Tv oo barnaamij gaar ah ka diyaarisay”

Madaxweynaha dowlada Jubaland Axmed Maxameed islaam oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa si weyn loogu sood haweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada kismaayo.

Soo dhaweynta kadib Madaxweyne Axmed madoobe ,ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxuu kaga hadlay arimo dhawar ah oo ay ugu horeeyaan ujeedka safarkisii uu Kismaayo uga anba baxay maalmo ka hor.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horayn faahfaahiyay booqashadisii Kenya iyo Imaaraadka Carabta.

”Imaaraadka ayaa nooga wanaagsan Qadar ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe markuu ka hadlayay arinta Imaaraadka iyo Qadar ee khilaafka dhalisay”

Sidoo kale Madaxweyne Axmed madoobe ayaa yiri”Waxaan waydiistay amniga Itoobiya in aan la kulmo Ninkii Qalbidhagax ahaa ,waa la kulmay waa wanaagsanaa hawshiisuna meel fiican ayay maraysaa oo dhawaana in uu soo baxo ayay u badan tahay”.

Hoos ka daawo muuqaalka shirka jaraa’id ee Madaxweyne Axmed Madoobe oo faahfaahsan.

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka