Ciidamada Puntland oo kaga adkaaday Ciidamada Somaliland dagaalkii maanta

Deegaanka Tukoraq ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan labo ciidan oo ka kala tirsan Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa iska hor imaad subaxnimadii horre maanta ku dhexmarey ciidamada Puntland iyo Ciidamada Somaliland..
 
Saraakiisha ciidanka Puntland iyo dadka deegaanka Tukoraq ayaa sheegaya khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas.
 
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Tukoraq waxay warbaahinta u sheegeen in loo dhaafiyay dhinaca magaalada Laascaano dhimashada ilaa 3 askari iyo dhaawac tiradiisu intaas ka badan tahay oo ciidanka Somaliland kasoo gaarey weerarkii saaka dhexmarey ciidanka Puntland.
 
Sidoo kale qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland waxay sheegeen ka sakow khasaaraha dhimashada ciidanka Somaliland inuu jiro gaari dagaal oo laga gubey Somaliland ka dib markey ku eedeeyeen ciidankoodu inuu soo weeraray mid ka mid ah fariisimaha ciidanka Puntland.
 
Dhinaca kale wararka laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu jiro dhaawaca labo askari oo midkood sahlan yahay oo ciidanka Puntland kasoo gaarey iska hor imaadkii maanta ka dhacay duleedka magaalada Tukoraq.
 
Isku soo wada duuboo xaalada labada dhinac ayaa u muuqata saansaan colaadeed oo qarka u saaran inuu ka dhex qarxo dagaal balaaran.
 
 
Abshir Dhiirane.