Xildhibaanada Fadaraalka oo loo qaybiyay lacagtii doorashada iyo mahadnaqa

Xildhibaanada Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya ayaa loo qaybiyay lacag cadadkeedu gaarayo 1645,000 oo dolar(Hal Milyan Lix Boqol Afartan iyo Shan Kun oo Dolar).

Lacagtan ayaa Xildhibaan walba waxaa kusoo aaday min 5000 oo dolar.

Warar kala gedisan ayaa kasoo baxaya ujeedada Xildhibaanada loogu qaybiyay Lacagtan oo aan ahayn Mushahaar iyo Gunno toona.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ahayd lacagtan mid mahadnaq ah kadib doorashadii ay Xildhibaanadu doorteen Gudoomiye baarlamaan oo gacanta kooxda Nabad iyo Nolol ah.

Sidoo kale warar kale ayaa sheegaya in ay ahayd Lacagtan fariin dadban oo loogu talagalay fududaynta Hindise Sharciyeedyo horyaala Baarlamaanka oo laga rabo in ay Xildhibaanadu fududeeyaan ansxiintooda.

Lacagtan ayaa waxaa qaybiyay Agaasimaha Madaxtooyada ama hogaamiyaha dadban ee Villa Somaliya Fahad Yaasiin,waxaana la qaybiyay soo laabashadii Madaxweyne Farmaajo uu kasoo laabtay dalka Qadar kadib.

Guud ahaan dalka waxaa ka taagan fatahaad sababtay khasaare naf iyo maalba leh, ilaa iyo hadana wax gurmad ah oo la taaban karo lama gaarsiin shacabkii dhibaatadaas ku dhacday.

Waa masuuliyad daro weyn iyadoo xaalada dalku halkaa marayso in Hnatidii Umada loo qaybiyo Laaluush.

Dhanka kale Dowlada Madaxweyne Farmaajo waxay ku faantaa in ay la dagaashay musuqmaasuqa guulna ka gaartay,balse arintan ayaa muujinaysa sida sheegashadaasi ay u tahay waxaan waxba ka jirin,isla markaana ay Dowladu iyadu tahay tan dhiirigalisa musuqa,eexda iyo maamul xumada