Video:-Gudiga Difaaca Puntland oo amaro adag soo saaray

Guddiga difaaca Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay magalaada Garowe ayaa sheegay inay ka go’antahay xoreynta gobolka Sool iyo deegaanada kale ee ka maqan Puntland.

Wasiirka Amniga Puntland, Axmed Cabdullaahi Yusuf (Dowlad) ayaa warbaahinta u akhriyay 11 qodob ay soo saareen guddiga.

Qodobadaas waxaa ka mid ahaa in Puntland ay dil ku fulin doonto cid kasta oo jaajuus u ah maamulka Jeegaanta.

Sidoo kale waxaa guddiga dambi qaran ku tilmaamay cid kasta kasoo horjeeda tallaabada Puntland ay dib ugula soo wareegeyso dhulka ka maqan.

Qodobadan ayaa ah kuwo muhiimadooda leh,isla markaana yimid xili loo baahnaa wax weyn ka tari doona hawlgalak dib u xoraynta Gobolka Sool,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka