Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka dib uxoraynta Sool

Dagaalku si macaan oo laga maqsuuday ayuu usocdaa.

Ciidamada Difaaca Puntland saacad walba horumar ayay sii samaynayaaan.

Dagaallku hada waxuu usii siqayaa dhanka Laascaanood oo jugta hubka culus ee lagu ridayo Maleeshiyada Jeegaanta ay maqlayaan shacabka Laascaanood.

Dhaawac iyo dhimasho fara badan ayaa gaaray maleeshiyada Jeegaanta,kuwaasoo qaarkood la keenay Garowe.

Sidoo kale waxaa jira Maleeshiyo Jeegaanta ah oo dayaamay kadibna usoo galay Ciidamada Difaaca Puntland oo gacanta lagu hayo.

Tiknikada ilaa iyo hada lasoo sheegayo in laga qabtay waa 12-gaari.

Dhanka kale waxaa si catow ku jiro uhadlay Wasiirka Warfaafinta ee Jeegaanta ,kaasoo sheegay in Puntland ay ka faa’idaysanayso xiliga adag ee Somaliland ku jirto.

Sidoo kale warar aan la xaqiijin aya sheegaya in uu iscasilay Wasiirkii Arimaha gudaha ee Jeegaanta Ina Kaahin.

Waxaa sidoo kale warku sheegayaa in Booliskii Jeegaanta ee gudaha Laascaanood ay ka carareen saldhiggyadii Booliska ,sila markaana ay badasheen Dharkii Tuutaha ahaa.

Dagaalku waa socdaa xoguhuna waa iska soo daba dhacayaan.

La soco xogta udanbaysa.