Video:-Hogaamiyayaasha Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo ku kulmaya Singapore

Waxayna noqon doontaa markii koobaad ee madaxweyne Maraykan ah oo xil haya uu la kulmo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi.
 
Intii uusan Trump u duulin shirka wuxuu kulankaas ku tilmaamay “fursad qur ah oo lagu beegsan karo” nabadda wuxuuna intaas ku daray in labadoodu ay arrinta si dhab ah ugu soo jeedaan.
 
Wasiirka arrimaha dibadda ee Singapore Vivian Balakrishnan ayaa Twitterka soo galiyay sawirka Kim ka dib markii uu jasiiradda dalkaas cago dhigtay.
 
Xiriirkii labadan masuul soo dhexmaray 18kii billood ee u dambeeyayna wuxuu ahaa mid kaaf iyo kala dheeri ah.
 
Trump oo ku sii jeeda Singapore si uu ula kulmo Kim Jong-un
Weriyeyaal lagu xiray Singapore ka hor kullanka Trump iyo Kim.
 
Mar bay isugu hanjabeen dagaal lagu halaagsamo, haddana waxay go’aansadeen in ay is hor fariistaan.
 
Labada masuul waxay la kulmi doonaan ra’iisulwasaaraha Singapore Lee Hsien ka hor inta aysan yeelan kulan fool ka fool ah,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka