Ra’isalwasaare Khayre iyo wafti uu hogaaminyo oo u anba baxay Norway

Ra’isalwasaaraha Dowlada Fadaraalka Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo,ayaa u anba baxay Dalka Norway.
Ra’isalwasaare Khayre,ayaa u tagaya Norway shirweyne looga doodi doono sida ugu haboon ee loo adkayn karo amaanka caalamka.
Shirkaas ayaa ka socon doona Oslo mudo labo maalmood ah,waxaana kasoo qaybgali doona madax hore iyo kuwo hada xil haya oo ka kala socda Caalamka oo idil.
Sidoo kale shirkaas waxaa khudbad ka jeedin doona Xoghayaha guud ee Qaramada midoobey.
Khayre,ayaa shirkaas ka jeedin doona khudbad sida la filayo.
Dhanka kale sida wararka lagu helayo waxaan soo raaci doonin waftiga khayre Wasiirka arimaha dibada Dowlada Fadaraalka Axmed CiiseCawad,waxaana booskiisii lagu badali doona Wasiirka Maaliyada Beyle.
Mahan markii ugu horaysay ee wasiir Cawad laga reebo wafuud ka qaybgalaysa shirarr caalamka ah.