Video:-Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo jeediyay hadal ka yaabiyay shacabka Somaliya!!

Ra’isalwasaaraha Itoobiya oo booqasho qaadatay saacado ku gaaray xarunta hay’adaha fadaraaliga ah Somaliya ee Muqdisho,ayaa saxaafada la hadlay markii uu ku laabtay dalkisa.

“Hal dal oo mid ah ayaan noqonaynaa annaguna Dekad la’aanta ayaan ka baxaynaa,iyaguna dakadahooda halka Markab uu ka muuqdo ayay dhaqaale ka helayaan,weligeen inaan Siyaad Barre iyo Mengistu wixii dhex maray ka sheekeyno ma aha”,ayuu yiri Attoo Abiye.

Dhanka kale ra’isalwasaare Abiye,ayaa lasoo galay Villa Somaliya heshiis ay dan weyn ugu jirto Dalkiisa oo ku saabsan maalgashi Dekedaha Somaliya.

Itoobiya,ayaa heshiiskaas ku helaysa dhawr qodob oo muhiim u ah,kuwaasoo laga tilmaami karo…

1 . 19%
2. Ilaalada dekadaha
3. Wadooyin isku xiraya Itoobiya iyo Somaliya.
4. Ciidamada Amisom oo loogu darayo ciidamo.

Isku soo wada duuboo Madaxda Fadaraalka Somaliya,gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo isku muujiya in uu yahay Nin Wadaniyadu ku dheer tahay,ayaa ogolaanshaha heshiiskan waxuu ku yahay wajigabax iyo mid soo afjaray waxii uu ku faani jiray ama ay ku tilmaami jireen taageerayaashiisu,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka