Beesha caalamka oo ganafka ku dhufatay codsigii Dowlada Fadaraalka Ee ku wajahnaa Somaliland

Qoraal ay soo saareen Wakiilada Beesha Caalamka Somaliya,loona kala diray Madaxda Dowlada Fadaraalka,ayaa lagu sheegay in dhinacyada Soomaaliya iyo beesha Caalamka ay isla garteen sanadkii 2013 heshiiskii New Deal in Somaliland si gaar ah loola macmiilo si ay si ay u hesho saamigeeda kaalmada loogu talogalay guud ahaan Somaliya.
 
Beesha Caalamka,ayaa ku adkeystay mowqifkeeda ah gooni ula macaamilka Somaliland.
 
Waa muhiim tahay inay soo sii socoto qaabkii gaarka ahaa ee deeqaha lagu siin jiray Somaliland”ayaa lagu yiri qoraalka.
 
Beesha caalamka ayaa soo jeedisay,isla markaana ku dardarsiisay Madaxda Dowlada Fadaraalka in lagu socdo nidaamkii New Deal inta xal kale laga helayo.
Halkan hoose ka akhriso: