Madaxweyne Farmaajo Oo dalka dib ugu soo laabtay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii uu kasoo qayb galay shirka 32aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ee lagu gaba-gabeeyay Addis Ababa.
 
Shirka IGAD oo lagu dhexdhexaadinayay Madaxda iyo mucaaradka Dalka Koofurta-Suudaan ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay madax ka kala socota Midowga Afrika iyo Qaramada midoobay.
 
Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo waftigiisa ayaa markii ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha waxaa kusoo dhoweeyay masuuliyiin ka mid ah Dowladda Soomaaliya.