Ra’isalwasaare Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii uu ka soo qayb galay shirkii Oslo Forum oo looga doodo nabada caalamka.
 
Kheyre oo ay safarkiisa ku wehliyeen masuuliyiin uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa lagu soo dhoweeyay Gegida Diyaaradaha ee Muqdisha.
 
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale oo hadal kooban saxaafadda ku siiyay gudaha Garoonka Diyaaradaha ayaa sheegay inuu safarkoodu kusoo dhammaaday guul.
 
R/wasaaraha ayaa intii uu Norway ku sugnaa,ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku dhaqan,sidoo kale waxuu la kulmay masuuliyiinat ugu saraysa dalkaas.