Halkee marayaa xilka qaadistii Maareeye Yuusuf jaalle

Waxaa saakay magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Garre (Yuusuf Jaalle) oo dhawaan shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Wasaaradda Hawada iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomar).
 
Maareeyaha ayaa markii uu ka soo digay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho waxaa soo dhaweeyay Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, Guddoomiye ku xigeenka amaanka iyo Siyaasadda G/Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulax, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo Xubno kale oo ka tirsan Qeybta Protocol-ka Madaxtooyada Soomaaliya.
 
Wasiirka Wasaaradda Hawada iyo Duulista Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomar) ayaa la sheegay in Markii uu dalka dib ugu soo laabtay Yuusuf Jaalle inuu garoonka la tagay Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya oo aan markii la socon jirin waxayna arintaasi dhalisay Xiisad Garoonka ka taagan.
 
Inkastoo uusan warbaahinta la hadlin Yuusuf Jaalle Maareeyaha Shaqo Joojinta lagu sameeyay ayaa hadane Ilo lagu kalsoon yahay waxaan ka soo xiganeynaa inuu Yiri
 
“Waa shimbir heestay hadalka wasiirka mana iga joojin karo shaqada waana sii wadan doonaa, aniga halkaan kuma imaanin magacaabis wasiir mana jirto wax fariin ah oo aan ka heesta Madaxtooyada oo layga soo magacaabay”
 
Labada dhinac ee kala ah Wasiirka Hawada iyo Duulista Soomaaliya iyo Maareeyaha Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa kala heesta Laba Garab oo siyaasiin ah Islamarkaana saameyn weyn ku leh Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.