Wararkii ugu danbeeyay isku dhacyadii shacabka iyo Ciidamada Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaarihii ka dhashay isku dhacyo maanta ka dhacay Xaafadda suuqa xoolaha ee magaalada Muqdisho iyo rasaas ay fureen Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay in kabadan 10 kalane dhaawacyo ayaa ka soo gaaray shaqaaqo maanta ka jirta Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa iyadoo markii dambe ay isku badashay Banaanbax fowda wata.

Shaqaaqada ayaa ku bilaabatay rasaas ay Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ku fureen Dad Shacab ah oo ku sugnaa suuq aad u mashquul badan oo ku yaala meel u dhaw Bosteejada Suuqa Xoolaha taas oo sababtay dhimashada 2 qof iyo dhaawac 4 kale.

Intaasi kadib ayaa dadweyne careysan waxay bilaabeyn Banaanbax fowda wata, waxaana daqiiqado kadib la maqlay Dhawaaqa ugu yaraan 3 qarax oo ah Nuuca dhulka la geliyo kuwaas oo la sheegay in lala damacsanaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada AMISOM.

Qaraxyada ayaa mid ka mid ah waxa uu haleelay Gaari Booyad ah oo ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ilaa hadda halkaasi ku gubanya sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee dadka shacabka ah rasaaseeyay ayaa la sheegay inuu Gaari ka gubtay kadib markii ay Qore Saban ah ku dhuftayn Ciidamo nabad Sugid ah.

Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya iyo Shacabka Banaanbaxya oo dhinac ah iyo Milatariga Soomaaliya ee rasaasta furay ayaa la sheegay iney shaqaaqada u dhaxeyso halka Ciidamada AMISMO uu haleelay Qaraxyo dhulka ku aasnaa xili ay marayeen meel u dhaw halka ay shaqaaqada ka socoto.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in hadda Banaanbaxa istaagay balse ay jirto xiisad u dhaxeysa Milatariga iyo Nabad Sugidda Soomaaliya oo isku khilaafsan dadkii shacabka ahaa ee Milatarigu ku dileen Suuqa Xoolaha, falkaan ayaa la sheegay inuu yahay markii Labaad oo ay sameeyaan Ciidamada Milatariga Soomaaliya Bishaan Gadaheed.