Video:-Jubaland oo dib usoo celisay Talye ay soo magacawday Dowlada Fadaraalka

Laamaha Amniga Ee Dowlad Goboleedka Jubbaland,ayaa saaka garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Kismaayo ka celiyey Gen.Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya usoo magacowdey taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.
 
Dowladda Federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20-aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada.
 
Qodobka 20-aad ee heshiiskaas ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya kusoo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo .
 
Dowladda Federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43-aad ee XDS Ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43-aad ee XDS Gen .Cali Bogamdow .
 
Dhanka kale Dowlad Goboleedka Jubland ee xubinta ka ah Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa bil ka hor u qortay warqad cabasho ah Dowlada Fadaraalka ,taasoo ay kaga cabanayso sida loo maaraynayo hawlaha taliska Ciidamada Xooga dalka qaybta 43-aad ee fadhigeedu yahay Jubaland.
 
 
Warqada ay uqortay Jubaland Dowlada Fadaraalka ah ee ay kaga cabanaysay sida wax usocdaan,ayaa uqornayd sidatan:-
 
 
Ku: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
 
Warqadan Jubbaland ayaa u qortay dowladda federaalka.
 
Warqad Cabasho waxaa ugu Muhiimsanaa 7 qodob
………………………………………………………………………..
1- In la baabi’yay heykalkii xiriirka iyo Taliska ee ka dhaxeeyay guutada 43-aad iyo hogaanka Ciidamada xoogga dalka ee SNA,
 
2 – Magacaabista Taliye cusub degmada Ceel-Waaq, halkaasi oo aan horey u lahayn saldhig Military, iyadoo aan ka warheyn islamarkaana lagala tashan taliska guutada 43-aad ee ka howlgala Jubbaland,
 
3 – In hub iyo saanad Ciidan ay Xildhibaanno katirsan labada golle ee Baarlamaanka Federaalka [Gollaha shacabka iyo Aqalka Sare] ay geeyeen degmada Ceel-Waaq, kaasi oo ku dhacay gacanta Al-Shabaab,
 
4 – In Taliska SNA oo jahwareer ka abuuray deegaanka Sanguuni, halkaasi oo ciidamada difaaca hore uga jiray la siiyay amaro is-khilaafsan oo sababay inay guul-dareysteen, islamarkaana Al-Shabaab la wareegto saldhigooda, oo ka qaadatey hub iyo agabkii ay ku howlgalayeen,
 
5 – In Taliska SNA uu ka abuuray deegaanada Jubbaland xaalad kalsooni darro, oo keeni karta colaad u dhaxeysa beelaha wada deggan, taasoo dib usoo nooleyn karta dagaalkii Sokeeye,
 
6 – Tallaabooyinka Taliska SNA ayaa hakad gelisay, xadiday sidoo kalena siyaasadeysay saanadii Ciidamada ku sugan Jubbaland xilli ay 33 goobood ay kala dagaalamayaan cadowga Al-Shabaab,
 
7 – Gollaha amaanka Jubbaland ayaa walaac ka muujiyay soo-jeedinta gudiga amniga iyo nabada Ururka Midowga Africa ee ah in la baabi’iyo qeybta 6-aad ee howlgalka AMISOM, oo baahi ka badan markiii la abuuray hadda loo qabo.
 
 
Hadaba hoos ka daawo muuqaalka Madaxweyne xigeenka Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Maxamuud Sayid Aadan.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka