Video:-Wararkii udanbeeyay Qaraxyadii iyo weeraradii lagu qaaday Madaxtooyada Somaliya

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo maanta lagu weeraray meel aan sidaasi uga fogeyn madaxtooyada Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in baabuur xawaare ku socdaan uu ku qarxay bar koontarool oo ciidamada amnigu ay ku leeyihin meel u dhow beerta Nabada.

Wararka ayaa sheegaya in niman hubeysan ay qaraxaasi kadib rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada dowladda ee barta koontarool ku sugnaa, kuwaasi si weyn isaga caabiyay raggaasi.

Qaraxa labaad ayaa la sheegay inuu ka dhacay qeybta danbe ee Baarta Nabada oo ku dhigan hotel SYL.

Ugu yaraan 6 qof, oo 5 ka mid ah yihiin raggii weerarka soo qaaday ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen labada qarax.

Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarada maanta.

Dowladda Somalia iyadu wali ka aysan hadlin weeraradan.

Qaraxyada maanta ayaa imanaya, toddobaaad kadib markii isla laba qarax ay ka dhaceen dhismaha wasaaradda arrimaha gudaha ee xarunta Otto Otto, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 15 qof,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka