Srael oo ku bilowday dukhayn xoog leh fariisimada Ciidamada Xamaas

Israa’iil ayaa billaawday duqeymo xooggan oo ay ku bartilmaameedsaneyso xerooyin ciidan oo ku yaalla marinka qaza, kaddib marki askari lagaga dilay rasaas laga soo riday xadka marinka Qaza.
 
Ciidamada Israa’iil ayaa waxay sheegeen asakari inuu kaga dhintay dhaawac ka soo gaaray rasaas dhinaca Falastiin laga soo riday marki ay rabshadaha halkaasi ka soo cusboonaadeen.
 
Saraakiisha ku sugan Qaza ayaa waxay sheegeen iney duqeymahaasi ay ku dhinteen 4 qof oo Falastiini ah, seddex ka mid ahna ay yihiin dableey ka tirsan ururka Xamaas.
 
Ciidamada Israa’iil waxaa ay sheegeen iney duqeymahooda ku beegsadeen 15 goobood oo ay leeyihiin ciidamada Xamaas oo ku yaallo waqooyiga marinka qaza iyo 25 oo ku yaalla Koonfurta Khan Yunis duqeymahana weli waa ay socdaan.
 
Dhacdadani ayaa waxay timid marki jimcaha ay Falastiniyiintu mudaharaadyadooda ay ka sameeynayeen xadka qaza iyo Israa’iil ay wadaagaan ay halkoodi ka sii wateen. Dableyda Falastiin ayaa waxay rasaas ku soo rideen ciidamada Israa’iil ee xadka ku sugnaa.