Danjire Keating”Somaliya waa soo kabanaysaa oo wado wanaagsan ayay ku socotaa”

Wakiilka Gaarka  ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire  Michael Keating oo maanta ka hadlayay madal ay soo qabanqaabisay Ururka Warbaahinta Qaranka ee NUSOJ ayaa sheegay in Mustaqbalka Soomaalida uu ku jiro gacanta Soomaalida.

Keating ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socota waddo wanaagsan,islamarkaana loo baahan yahay in laga taageero sidii loo dhisi lahaa kaabayaasha dhaqaalaha ee Soomaaliya.

Danjire Keating ayaa  tilmaamay in maanta la jooggo xilli ay isku filaan laheyd Soomaaliya, loona baahan yahay  in aysan cidna wax ka sugin.

“Mustaqbalka Soomaaliya Waxaa Uu Ku Jiraa Gacanta Soomaalida” ayuu yiri Danjire Keating waxana uu amaanay qodobka 18aad ee dastuurka KMG ah oo ka hadalaya  Xorriyadda Ra’yiga iyo Afkaarta.

Wakiilka ayaa hadalkaan ka jeediyay Madal ay soo qaban qaabiyeen Ururka Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ, loogana hadlayey sida warfaafinta uga qeyb-qaadan karto baahinta dowladda wanaagga.