Golaha Wasiirada Fadaraalka oo ansixiyay Safiiro aan la shaacin dalalka loo magacaabay

Golaha Wasiirada dowlada fadaraalka Somaliya oo galabta kulankoodii caadiga ah ku yeeshay magaalaada Muqdisho ayaa magacaabay Saddex safiir oo cusub.

Safiirada la magacaabay ,ayaa kala ah C/risaaq Shoole oo ahaa Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada kaasoo ka mid ah xubnaha ku dhow Madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka mid ah safiirada la magacaabay.

Waxaa sidoo kale safiir loo magacaabay C/llaahi Maxamed Odawaa, iyadoo talaabadan ay ku soo aadeyso xili toban ka mid ah safaaradaha Somalia ee caalamka ay muddo badan yihiin safiir la’aan.