Farmaajo oo wajigabixii uu kala kulmay hadalkii cunaqabataynta Erertereya uga baaqday shirka IGAD

Ra’iisul Wasaaraha dowlada Fadaraalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta ka Safray Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu gaaray Magaalada Khartuum ee Caasimadda Suudaan.
 
Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa lagu soo dhaweeyay Madaarta Khartuum, waxaana halkaa uu Khayre ugaaray sidii uu uga qeybgali lahaa Shirka Urur Goboleedka IGAD oo Suudaan ka dhacaya.
 
Shirkan ayaana Macno gooni ah uleh guud ahaan wadamada ku mideysan IGAD, waxaana la filayaa in inta uu socda Kulankaas in heshiis ku aadan sidii lagu dhameyn lahaa Colaadda Koonfurta Suudaan ay ku kala saxiixdaan Madaxda Koofurta Suudaan.
 
Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid ka gadaal markii uu baaqday Madaxweynaha dowlada fadaraalka Soomaaliya oo lagu waday inuu ka qaybgalo shirkaas muhiimka ah.
 
Ilo lagu kalsoonaan karo,ayaa noo xaqiijiyay in baaqashada Madaxweyne Farmaajo ee Shirkaas ay sabab u ahayd hadalkii uu dhawaan jeediyay ee ku aadanaa cunaqabataynta Eretereya,kaasoo madaxda IGAD kawada yaabiyay,isla markaana la filyay in su’aalo fara badan lagu wyadiiyo shirkan IGAD ee uu ka baaqday.
 
Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalkaas kala kulmay wajigabax iyo dhaleecayn caalami ah iyo mid gudaha dalka ah.